4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo gudbiyay dacwadda 36 eedeysane oo ajnebi ah
 

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 36 eedeysane oo ajaanib ah.

Ajaanibtan ayaa waxay ku eedeysan yihiin kalluumeysi sharci darro ah, waxaana xafiiska xeer ilaalinta uu maxkamadda gobolka ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadoodda.

Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa lagu sheegay in kalluumaystadan ay ku xadgudbeen kheyraadka dalka, ayna si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen badda Soomaaliya.

Xafiisku xeer ilaalintu wuxuu sheegay in tallaabo laga qaadidoono kalluumaysatadan, si ay tusaale ugu noqoto cid kaste oo isku dayaysa inay kusoo xad gudubto biyaha Soomaaliya.

Ciidanka badda Soomaaliya ayaa kalluumaysatan gacanta kusoo dhigaan bishii hore, iyagoo watay in ka badan 30 tan oo kalluun ah, oo ay badda Soomaaliya kalasoo baxeen oggolaansho la’aan.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay kalluunkan, iyadoo maalmo ka hor ku wargalisay bulshada inay iibinayso kalluunka, kaddib markii ay maxkamaddu xukuntay in la xaraasho.