4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Caruur isku qoys ah oo ku geeriyootay guri qadiimi ah oo kusoo dumay
 

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Inta la xaqiijiyay afar caruur ah oo wada dhalatay ayaa geeriyootay, kadib markii uu kusoo dumay guri qadiimi ah oo ay daganayeen oo ku yaala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Gurigaan oo ka mid ahaa guryaha qadiimiga ah ee ku yaala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Xalay abaare sagaalkii saac ee habeenimo inuu kusoo dumay caruurtan isku qoyska ahaa, waxaana sidoo kale jirta waxyeelo soo gaartay dad kale oo qoyska ka mid ah oo aan tiradooda la shaacin.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta gaaray ayaa gurmad u sameeyay qoyska dhibaatada qabsatay, waxayna carruurta dhimatay ay kasoo hoos bixiyeen burburka dhismaha ku dumay.

Aabaha dhalay afarta caruurta ah ee Xalay ku geeriyootay dhimasaha qadiimiga ah ee kusoo dumay ayaa warbaahinta u sheegay in gidaar ka mid ah guriga uu kusoo dumay caruurtiisa Xalay xili ay hurdayeen oo ay suurtagal u noqon weyday inuu badbaadiyo.

"Afar canug oo aan dhalay ayaa iga dhimatay darbi ayaana kusoo dumay oo guriga wuxuu ahaa guryahii mudada fog la dhisay ee ku yaala agagaarka Badda, 15 jir ayaa u weyna caruurta 10 jirna wuu u yaraa oo afartooda way isku xigeen, alle ayaa awalba isiiyay hadana iga qaaday asaana kuwa kale isiin kara" ayuu yiri aabaha qoyska Cabdi Maxamed Xalane.

Degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xamarweyne, Xamar Jabjab, Shangaani, Cabdicasiis iyo kuwa kale waxaa ku yaala dhismayaal guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, iyadoona xiliyada roobabka xooggan ay da’aan dhismayaashii qaarkood ay dumaan waxyeelana ay kasoo gaarto dadka degan.