4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Wasiirka caddaalada Puntland: Puntland u burburi mayso duufaanada siyaasadeed ee lagusoo qaaday
 

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Wasiirka caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedeymaha kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheikh, kaasoo ka digay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka jira.

Wasiirka caddaalada ayaa sheegay in Puntland aysan u burburayn, wuxuu ugu yeeray duufaanada siyaasadeed ee wajiyada badan ee lagusoo qaaday maamulkooda.

“Puntland burburi mayso, balana kama jirto. Waxaa fiicnaan laheyd in wax laga barto duulaamadii wajiyada badnaa ee horey loogu soo qaadey Galkacyo, Suuj, Garmaal iyo Garacad, iyo duufaamihii siyaasadda ee dhammaantood isku ujeedka ahaa laguna guul daraystay kuligood,” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

Wuxuu sheegay in eedeymaha loosoo jeedinayo maamulkooda uusan ka mashquulinayn gurmadka Lasacaanood iyo geeddiga doorashada qof iyo cod.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka digay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka Puntland. Madaxweynuhu wuxuu sheegay  in aysan raalli ka noqon karin in muddo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano lasoo dhiseyay.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa hoggaanka Puntland uga digay tallaabo kasta oo qalqal gelin karta nidaamkii ay horay ugu soo caana maashay Puntland.

Deni iyo golihiisa wasiirrada ayaa maalintii khamiistii ee todobaadkii hore meel mariyay in la ballaariyo xisbiyada siyaasadeed lagana dhigo shan xisbi siyaasadeed.

Arrintaas ayaa laga cabsi qabaa inay abuurto khilaaf siyaasadeed iyo xasilooni darro, sida ay qabaan siyaasiyiin mucaaradsan madaxweyne Deni.