4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2023
Faysal Cali Waraabe: Ma jiro wadahadal Somaliland iyo Soomaaliya ah oo hada dhacaya
 

Jimco, May, 5, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in anay suuragal ahayn in wadahadal hada dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in labada dhinac anay hada ku jirin jawi dagan oo ay ku wadahadli karaan, isla markaana loo bahanyahay in dhinacyadu isa soo hagaajiyaan.

"Ma jiro wadahadal Somaliland iyo Soomaaliya ah oo hada dhacaya, Somaliland qalalaase ayay ku jirta, mid dagaal ayay ku jirtaa, qalalaase siyaasadeed ayay ku jirtaa, madaxweynaha wakhtigiisii wuu dhamaaday, wax aanu isla ognahayna ma jirto" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Soomaaliya ay adduunka ka dhaadhicisay in wadahadaladu ay yihiin kuwo lagu midaynayo labada dhinac, waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya anay ka jirin dowlad ay talo ka godo, Somaliland-na ay qalalaase siyaasadeed ku jirto, marka loobahanyahay in dhinacyadu horta iyagu is hagaajiyaan.

Waxa uu intaa kudaray in Somaliland anay waxba uga baahnayn Soomaaliya, isla markaana ay tahay dowlad 30 sanno madaxbannaanayd, aanuna jirin wax uu wadahadalka Soomaaliya kusoo kordhinayo Somaliland, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii hore loo galay.

Faysal Cali Waraabe ayaa qayb ka ahaa wadahadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, lakiin sannadadii ugu danbeeyay ayuu ka laabtay fikir kiisii hore.