4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2023
Golaha Wasiiradda Maamulka Puntland oo ansixiyay in la kordhiyo Xisbiyadda Siyaasadda

Jimco, May, 5, 2023 (HOL) - Golaha Wasiiradda maamul goboleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka maamulka Puntland, islamarkaana la kordhiyo Xisbiyada Siyaasadeed ee doorashada golayaasha deegaanka ku soo baxaya.

Golaha Wasiiradda ayaa u codeeyay in wax laga badelo qodobka 46-aad oo dhigaya in Puntland ay yeelato 3 xisbi siyaasadeed, iyagoona u codeeyey iney soo baxaan 5 Xisbi Siyaasadeed.

Ansixintaan ay wax ka beddelka ku sameeyeen Golaha Wasiiradda Puntland waxa kulan ka yeelanaya Baarlamanka Puntland si ay u ansixiyaan ka hor maalinta doorashada ee 25-ka May.

Talaabadan Golaha wasiiradda ku ansixiyeen in wax ka badal lag sameeyo Dastuurka Puntland ayaa fursad u ah Urur siyaasdeedyada qaar.

Sikastaba ha ahaatee waxaa arintaani ka horymid madasha ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah oo u arka talaabadaan muddo kororsi ay samaysanayso xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni oo mudo xilleedkeedu uu ka harsan yahay siddeed bilood.