4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2023
Weerar lagu dilay 7 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Khamiis, May, 4, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa Maanta weerar kula wareegay deegaano ku yaala galbeedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ay dhowr jiho ka weerareen deegaanada ay shabaab kaga sugan yihiin Galbeedka degmada Xarardheere.

Jenaraalka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay cagta mariyeen saldhigyadii Shabaabka ku lahayeen deegaano ay ka mid yihiin deegaanka Faarax dheere iyo kuwa kale, islamarkaana weerarka looga dilay Al-shabaab 7 ka mid ah dagaalamayaashooda.

"Ciidamada ayaa weerar jahooyin kala duwan leh ku qaaday Maleyshiyaadka Shabaab oo isku aruursanayay deegaanada Galbeedka Xarardheere ay kaga harsan yihiin, kadib xogo aan ka helnay dadka deegaanka Shabaab is aruursanaayay ayay ciidanku weerareen oo waxay ka dileen ilaa 7 xubnood, waxana la burburiyay saldhigyadoodii" ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Taliyuha ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in ciidamada ay kooxda ka qabsadeen gaari ay ku ururin jireen Xoolaha ay ka qaadi jireen dadka deegaanka oo ay gu yeeraan Sakawaad.