4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 70% hoos u dhaceen weeraradii Alshabaab ay geysan jireen

Khamiis, May, 4, 2023 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay kooxda Alshabaab ka geysan jireen dalka, iyagoo bogaadiyey ciidamada amniga oo guula ka gaaray dagaalka dib xorreynta dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taasoo ay sheegeen inay sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.

Ciidamada cusub ee laga howlgaliyay magaalada Muqdisho, ayaa ku guulaystay inay hoos u dhigaan dhacdooyinki amni darro ee Muqdisho ay ka geysan jireen Alshabaab iyo ciyaal weerada.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bixisay mushaarka iyo qalabaynta ciidamadan, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh oo dhowr habeen ka hor hadlayay dood dadweyne oo su'aalo lagu weydiinayay.

Inkastoo dowladdu adkaysay amniga Muqdisho, haddana Alshabaab ayaa bishii tagtay weeraro dhaliyay khasaare badan ka geysatay gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyagoo weeraray xarumo ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xorayntu joogeen.