4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2023
Wabiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo magaalada Baledweyne

Khamiis, May, 4, 2023 (HOL) - Waxaa markale isa soo taraya cabsida iyo walwalka laga muujinaayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wabiga todobaadyadii lasoo dhaafay heerka biyaha uu waday ahaaa mid dhex dhexaad ah, kadib markii ay hoos u dhaceen biyo farabadan oo laga cabsi qabay bishii Ramadaan iney ku fatahaan gudaha magaalada Baledweyne.

Waxaa Maanta markale lasoo dhigay baraha bulshada ee Internetka Muqaalo muujinaya xadmiga biyo farabadan oo kasoo qulqulaya dhanka dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan deegaanka loo yaqaano Iimey Galbeed.

Muqaalka ayaa muujinaayay biyo aad u farabadan oo la tilmaamay iney yihiin kuwa ka badan biyiihii bishii Ramadaan laga cabsi qabay iney ku fatahaan gudaha xaafadaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo Alle uu ka samata bixiyay shacabka reer Baledweyne oo iyaga qudhooda sameeyay sanadahii lasoo dhaafay dadaalo biyo xireeno ah oo wax weyn ka taray in biyo looga barakaco Baledweyne.

Biyahaan badan ee uu wado wabiga Shabeelle ayaa imaanaya, xili saacadahii lasoo dhaafay ay ka da'een dhulka buuraleyda dalka Itoobiya roobab xoogan oo ay ka dhasheen biyo badan.