4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2023
In ka badan 40 ka mid ah Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo lagu dilay Shabeellaha Hoose
 

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay Beerta Shariifka oo ku taala deegaanka Nuungare oo 8 KM kaga beegan dhinaca Waqooyi  deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waraaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 40 ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib isugu jirtay horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidamada iskaashanaya ay fuliyeen habeenkii Talaadada oo taariikhdu ahayd 2-dii bishaan May, kadib markii ciidanka Sirdoonka qaranka ay heleen xogta abaabul ay kooxdu ka waday dhul beereedka Shariifka.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada Ajaaniibta ee howlgalka lagu dilay ay tahay ku dhawaad 10 ruux, islamarkaana lagu sii daba jiro xubnaha kale ee goobta ka baxaaday.

Shalay ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ceel qaboobe ay ku dileen 60 ka mid ah Ururka Al-shabaab oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib, islamarkaana nolosha lagu qabtay xubno isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib Shabaab ah.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo Faahfaahsan:-