4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh “Beero Xashiish ay ku beeran yihiin ayaa loogu tegay deegaanadii Khawaariijta laga xureeyay"

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in deegaanadii laga xureeyay kooxda Al-shabaab loogu tagay beero ay ku yaalaan Xashiish aad u fara badan oo u beernaa kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kooxda Al-shabaab ay Xashiishka u beereytay sidii ay ugu duleyn laheyd dadka Soomaaliyeed, islamarkaana kooxda ay ka sameyn jirtay beerashada Xashiisha dhaqaalo badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladiisa ay gacana kula dagaalameyso Ururka Al-shabaab gacanta kalana ay kula dagaalameyso suulinta waxyaabaha maanka dooriya, kaasi oo xoogiisa ka socda magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

“Beero Xashiish ay ku beeran yihiin ayaa loogu tegay deegaanadii Khawaariijta laga xureeyay waxayna usoo diri jireen in dadka ku duleeyaan, waxayna usoo diri jireen ciidamada iyo suuqyada, lacag adag ayay ka heli jireen. Soddan jawaan oo xashiish waatii dhawaan la qabtay ee la gubay" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay talaabadii uu dhawaan ka sameeyay Muqdisho guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale uu ku mamnuucay iibinta iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya, wuxuuna xusay in dowladda ay wado shuruuc lagu xakameynayo nooc kasta oo waxyaabaha maanka dooriya ah.

“Waxay u baahan yihiin waxyaabaha maanka dooriya in qaanuun laga dejiyo oo waxay dowladda xoog ku leedahay waa qaanuun, marka qaanuunkii mukhaadaraadka waa naga duugoobay, waxaa soo socda shuruuc ay Xukuumadda keeni doonto oo lagu xakameynayo arrimaha maandooriyaha” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay ka socdeen howlgalo ka dhan ah iibinta iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.