4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay Aabe ku eedeysan dilka Wiilkiisa
 
 

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalo ay ciidanka Booliiska ka sameeyeen degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho in lagu soo qabtay Aabe ku eedeyaan dilka Wiilkiisa oo lix sano jir ah.

Aabahaan ku eedeysan dilka Wiilkiisa yar oo ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa magacabiisa lagu sheegay Maxamed Cali Cilmi oo 45 sano jir ah, kaasoo la tilmaamay in dilka Wiilkiisa uu u adeegsaday Tooreey ama Mindi.

“Ciidanka saldhigga booliiska degmada Cabdicasis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 jir ah, oo ku eedeysan inuu degmada Heliwaa toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Saqiir Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Lama oga ilaa hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu Aabahan dilo Wiilkiisa yar, kaasoo ay si weyn uga argagaxeen dadka ku nool degmada Heliwa ee magaalada Muqdisho.

Gabagabadii Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in baaris ku wadaan sababta aabahan uu udilay Wiilkiisa yar, islamarkaana la horgeyn doono Maxkamada.