4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Willian Ruto oo waqti u qabtay ka bixitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisu ay bilaabi doonto in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ka soo saarto Soomaaliya sanadka 2024-ka, si dalka uu u xasilo.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta xaaladda socdaalka bariga iyo geeska Afrika, ayuu madaxweynuhu xusay in la dhimi doono tirada ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya.

“Waxaan la shaqeyneynaa walaalaheena Soomaaliya, xitaa iyadoo la filayo in la dhimo ciidamada sanadka soo socda, waxaan wadnaa qorshe la taaban karo oo ku saabsan sida Soomaaliya ay ugu socon karto dowlad ahaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Qorshahan ayuu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in ay qeyb ka tahay in dalal kala duwan ay la shaqeeyaan Soomaaliya ka hor inta aan si buuxda ciidamada looga saarin.

Ciidamada Kenya ayaa la geeyay Soomaaliya xilligii dowladdii madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki. Muddo bil ah kadib dowladda Kenya ayaa ogolaatay inay ka hoos shaqeyso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.