4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia oo Qaramada Midoobay ka helaya $2.4 bilyan

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar si loogu maalgeliyo hawlgallada gargaarka ee ilaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Laakiin deeqahaas ayay Qaramada Midoobay sheegtay inay ka hoos mareen maalgalintii dhaqaaale ee ay raadinaysay iyada oo ka digaysay musiibo ka dhasha abaaraha ka jira dalalka bariga Afrika.

Qaramada Midoobay waxay saddexda dal u codsatay in ka badan 7 bilyan oo dollar, balse ka hor shirkii lagu ballan qaaday arbacadii Soomaaliya 25% kaliya ayaa la maalgeliyay, Itoobiya 22% iyo Kenya 21% oo keliya.

Qaramada Midoobay ayaa Geeska Afrika ku tilmaantay xuddunta xaaladaha degdegga ah ee cimilada ugu xun adduunka.

“Dhibaatooyinka abaaraha ayaa halis gelinaya nolosha iyo maciishadaha malaayiinka ah ee ku nool Geeska Afrika: Abaarta ugu dheer ee la diiwaan geliyo. Barakac baahsan ka dib sannado badan oo colaado iyo ammaan darro ah. Qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray,” ayuu yidhi Antoni Guterres.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo UNICEF, ilaa 40,000 ayaa ku dhintay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sannadkii hore; kala bar waxay ahaayeen caruur da'doodu ka yar tahay shan sano jir, sida uu sheegay Antoni Guterres.