4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degmada Buulaburte iyo Buundada degmadaas oo halis ku jirta

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay xaafado ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Biyaha wabiga ayaa saameyay afar xaafadood oo ka tirsan degmada waxaana biyaha ay si weyn u saameeyeen  Xaafadaha kala ah Wadajir iyo Indhaceel oo lagu soo waramayo iney halkaas ka barakaceen boqolaal qoys.

Degmada Buulaburte oo dhacda bartamaha gobolka Hiiraan ayaa ah degmadii labaad oo uu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle, kaasoo laba todobaad ka hor Baledweyne ka barakiciyay kumanaan qoys oo ku noola xaafadaha magaalada Baledweyne.

Buundada degmada Buulaburte oo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay qarax xoogan ku burburiyeen qeybta dhexe ee buubadada kooxda Al-shabaab ayay haatan dulmarayaan biyaha wabiga, waxaana laga cabsi qaba in dhaawaca Buundada biyahaan ay sii sababan iney go'do Buundada.

Duqa magaalada Buuloburte Sadaam Cabdi Iidow oo ka warramay xaaladdihii ugu dambeeyay ee fatahaadda webiga Shabeelle ee degmada Buulaburte ayaa sheegay in biyahaan ay yihiin kuwa ka tira badan yihii horay ay u arki jireen.

 "Degmada Buuloburte biyo nuucani oo kale ah ma imaan hadda biyuhu waxay saameeyeen afar xaafad oo degmada ka tirsan, Buundada maanta ayey biyuhu kaso boodeen awal darbiyada ayey garaacayeen iyadoo naafeysneed ayey biyuhu hadana ugu sii darsameen" ayuu yiri Duqa magaalada Buuloburte Sadaam Cabdi Iidow.

Degmada Buulaburte oo markii horaba dadkeeda ay la daalaan dhacayeen xaalado nololeed oo ka dhashay go'doon ay degmadaasi galiyeen kooxda Al-shabaab ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay Fatahaada wabiga Shabeelle.