4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Muqdisho : Faahfaahino kasoo baxaya ganacsade lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi
 

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmadaas.

Dilka ganacsanadahaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taala Xaafada macmacaanka, waxaana dilka kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday dableydii dilka geysatay.

Marxuumka ganacsadaha ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Xuseen Maxamuud, mana la oga ilaa hada sababta ka dambeysa dilkiisa.

Dilka marxuumka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, hayeeshee lama sheegin cid ay usoo qabqabteen dilka ganacsanadaha loo geystay.

Sidoo kale ma jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda dilka loo geystay marxuumkaan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan kala qalin jabiyay mid ka mid ah jaamacaddaha magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa uu kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii dambe amaanka magaalada Muqdisho uu ahaa mid soo hagaagayay.