4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Booliska Soomaaliya iyo Atmis oo isku raacay in sare loo qaado amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib wada hadalo magaalada Jowhar ku dhex maray taliyeyaasha labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Jowhar, Gagan Banjara, iyo Madaxa ATMIS ee Booliska Hirshabeelle Marafa Manu.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Atmis, Saraakiisha Sare ee Millateriga iyo Booliska ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta lagu sugayo ammaanka Jowhar.

“Waxaan yeelanay is-dhaafsi wanaagsan, wadahadallo wanaagsan oo ku saabsan sidii aan u wada shaqeyn lahayn, qorsheynta howlgallada si hufan loogula dagaallamo argagixisada Al-Shabaab. Waxaan ku heshiinay in aan sii wadno shirarka noocaan oo kale ah si aan xogta isku weydaarsano, isla markaana loo qorsheeyo howlgallada,” ayuu yiri Taliyaha ATMIS Burundi, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ayaa noqday mudnaanta koowaad ee ATMIS iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo dhimista ciidamada uu galay marxalad xasaasi ah.

Brig. Gen. Niyiburana ayaa sheegay in wada shaqeynta ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, ay dhabaha u xaari doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Col. Xasan ayaa kulanka ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan. Sida aad la socotaan waxaa socda howlgalo ka dhan ah Shabaabka ku sugan Hirshabeelle. Deegaannada bariga webiga Shabeelle waa la xasiliyay, waana la xoreeyay, ujeedkuna wuxuu ahaa in la qorsheeyo sidii loo xoreyn lahaa deegaannada ka harsan galbeedka webiga Shabeelle,” ayuu hadalkiisa ku daray.