4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
Raysal wasaare Xamse oo dhalinyarada ka codsaday iney kala shaqeeyaan Xukuumadiisa ciribtirka afar waxyaabood

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqan gelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad oo ay isugu yimaadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo dibedda, kaasoo diiradda lag saarayo mudada uu socdo  soo bandhigista Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

"Horumarka dalka waxaa hortaagan afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda" ayaa yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre

Xamse Cabdi Barre ayaa ku amaanay dhallinyarada Soomaaliyeed doorka ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo uu tilmaamay in kaalin mugleh ay ka qaadanayaan amniga dalka, dowlad dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab.
 
Gabagabadii Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku amaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad dhiska.