6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2023
Siyaasiyiiinta mucaraadka Puntland oo beeniyay inay ka hor yimaadeen wada hadalka doorashada

 

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa jimcihii shalay sheegay in siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ay diideen inay kasoo qeyb galaan kulan qado ah oo ay ku casuumeen, si loo wada hadlo.

Madasha mucaaradka ayaa hadalka wasiir Juxa ku tilmaamay inuu yahay fariin been abuur ah iyo nooc wax isdaba marin ah oo la doonayo in lagu khiyaamo madashada siyaasadda Puntland iyo ra'yiga bulshada.

"Madasha Siyaasadda Puntland kama warqabto shirar/wadahadallo horay loo sii qorsheeyay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari.”ayaa lagu yiri qoraalka  madasha.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ayaa u muuqda mid saamayn ku yeelan katra doorashada dowladaha hoose 25-ka bishaan la qanayao. Inkastoo Isimada dhaqanka Puntland iyo kuwa SSC ay wadaan dadaalo looga hortagayo qalalaase dhaca.













Click here
5/20/2023 11:22 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.

5/20/2023 11:11 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.

5/20/2023 10:07 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqan gelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

5/20/2023 9:39 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

5/20/2023 5:45 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

5/20/2023 3:41 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka dimuqraadiyadda, isagoo kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya.

5/20/2023 2:50 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

5/20/2023 1:03 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.