4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay dhaxal sugaha dalka Boqotooyada Sacuudiga

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagxisada ah.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada" ayaa lagu war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dowladdaha Carbeed ee sida weyn u taageera dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga u tagay maalin ka hor ka qeybgalka Meertada 32-aad ee shir madaxeedka Jamaacadda Carabta oo shalay halkaasi ka furmay, waxaana lagu wadaa mudada uu halkaasi ku sugan yahay inuu kulamo gooni gooni ah uu la qaato qaar ka mid ah madaxda Caranta ee ka qeyb gashay shirka.