4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday qiimaha sanadkan lagusoo xajinayo
 

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Raysul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan, kaddib munaasabad galabta ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Raysul Wasaaraha ku sharfey inuu asaga si rasmi ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shirkadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda diinta ayaa soo saartay qiimaha lagu tagayo xajka, qiimahaas oo dhan $4,484, waxaana sida muuqata hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo ahayd ku dhawaad shan kun oo dollar.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay sheegtay in tallaabo laga qaadidoono shirkaddii qarash intaan ka badan ka qaada xujeyda Soomaaliyeed.

Illaa 75 shirkadood ayaa ku guulaystay daabulka xujeyda, kaddib wasaaraddu u qabatay shirkadaha soo dalbaday.