4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
Jenaraal Odawaa oo sheegay in howlgal qorsheysan lagu laayay Ajaaniib ka tirsan Al-shabaab

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay howlgal ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Ceel qaboobe in lagu laayay Ajaaniib ka dhinac dagaalamaysay kooxda Al-shabaab, islamarkaana kuwa kale nolosha lagu qabtay.

Taliyaha wuxuu intaasi ku daday in ciidanka xoogga dalka oo ka war hayay dhaqdhaqaaqa ciidanka Shabaab iney weerar ku qaadeen deegaankan oo qiyaas ahaan 30 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jenaraalka ayaa sidoo kale xusay in xubnaha Ajaaniibta ah ee la dilay iyo kuwa la qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka iyo agab kale oo ay doomo kala soo dagayeen kooxda Shabaab.

“Majiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhawaa, waxaana howlgalka u dhacay si taxadar iyo xog ogaalnimo ah, iyada oo feejignaanta ciidankuna ay aheyd mid sareysa" ayuu yiri Taliye Odawaa Yuusuf Raage.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha in ciidanka ay gubeen gaadiid ay kooxdu ku diyaarisay waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen iney ku dhibaateeyaan Shacabka Soonaaliyeed.

“Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaadeen, waxa ay rabeen inay ku dhibaateeyaan umadda Soomaaliyeed oo waxaa ku rarna waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo yaqaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage.