4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya oo daah-furay Qorshaha Hawl-galka Wadajirka ah ee labada dhinac
 

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex maraya labada sano ee soo socota.

Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa sheegay in geeddi-socodka wada shaqayneed uu diirrada saarayo saddex arrimood oo kala ah, siyaasada loo dhan yahay iyo dimuqraadiyadda, amniga iyo xasiloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada.

“Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah", ayuu yiri Mr. Fontelles.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay heshiiskaan uu kaalin weyn ka qaadanayo in xukuumaddu ku guulaysato qorshayaasheeda ku aadan, dhameystirka dastuurka dalka, iyo horumarinta maxkamadaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa'iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa'iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda", ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamse.

Ku dhawaaqida heshiiskaan ayaa ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas, Annette Weber, wuxuu ku dhawaaqday in €20.5 milyan Midowga Yurub oo uu ku tageerayo miisaaniyada cusub Soomaaliya ee bisha Sebtembar.