4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
Hay'adda Duulista Rayidka oo soo saartay digniin ku socota Shirkadaha Duulimaadyada gudaha dalka
 

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal digniin ah oo ku socda shirkadaha duulimaadyada gudaha dalka oo cabasha xoogan kasoo gudbiyeen rakaabka isticmaala diyaaradaha u kala duula gobolada dalka.

Qoraalka kasoo baxay Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa loogu digay shirkadaha duulimaadyada gudaha dalka sameeya ineysan waqti ka badan sadax saacadood aysan ku dhex hayn karin rakaabka terminaalka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warkaan kasoo baxay Xafiiska Hay'adda Duulista Rayidka ayaa sidoo kale lagu faray shirkadaha diyaaradaha aysan shacabka balamin karin, iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen ama aan la hubin bad qabka diyaarada safarka u baxeysa.

Amarkaan kasoo baxay hay'adda Duulista Rayidka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo rakaabka Soomaalida ah ee u duulaya deegaanada kala duwan ee gobolada dalka waqti aad u dheer lagu dhex haayo terminaalka garoonka Aadan Cadde oo xata mararka qaar loo sheego waqti dambe iney baaqatay diyaaradii ay raaci lahayeen.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-