4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya
 

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kordhinta taageerada dhanka saadka ah ee ciidamada qalabka sida iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Maalmo ka hor yay ahayd markii dalalka ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya ay ku baaqeen in Soomaaliya laga cuna qabataynta hubka, si ciidamadeeda qalabka sida u helaan qalabayn iyo dib u dhis xooggan.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in cunaqabaynta hubka ay caqabad weyn ku tahay dib u xoraynta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Bishii November, 2022, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la sii wado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Golaha ammaanku wuxuu sheegay in Al-shabaab ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, loona baahan yahay in cunaqabateyn lagu soo rogo si loo dhimo dhaqdhaqaaqyadooda.