4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
60 katirsan Alshabaab oo saakay lagu dilay howlgal ka dhacay aagga Xarardheere

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug  ayaa la sheegay inay howlgal qorshaysan ku dileen 60 ka tirsan Alshabaab.

Dilkan ayaa ka dambeeyay ka dib howlgal qorsheysan oo saaka ciidanku ka fuliyeen Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in Ciidamada oo ka war helay Gaari  Shabaaab a u siday Hub iyo maleshiyaad  hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay markii lagasoo tago dilka Shabaabka in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay wateen iyo labo gaari.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo qoraal kooban  bartiisa Facebook soo dhigay ayaa yiri," Ilaahey fadligiida, Khawaarijta xaley kamiin ay ku halaagmeen tobanaana ay uga bakhtidey gaadiidna looga gubey ayaa aaga Xarardheere.

Waa khasaarihii ugu weynaa ee Shabaab gaara dhawaanahan, wuxuuna yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Shabaabku isku arursanayeen degaano hoos yimaada degmada Xarardheere.