9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2023
Puntland oo amartay in lasoo xiro wasiirkii hore ee maaliyadda iyo saddex kale oo ku eedeysan weerarkii Garowe ka dhacay
 

Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay waaran lagusoo xirayo afar kamid ah siyaasiyiinta Puntland oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen weerarkii habeen hore lagu dilay askar katirsan ciidanka Puntland.

Xubnaha waaranka loosoo jaray waxay kala yihiin, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan shire Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, ergayga madaxweyne Xasan Sheikh u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha,  siyaasi Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax (Laysar).

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Axmed Taaraan ayaa sheegay baaris la sameeyay kaddib in lagu ogaaday raggan inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalinayay sanaadiiqda doorashada, weerarkaas oo dhaliyay dhimashada labo askari oo katirsan ciidanka booliiska.

Xeer ilaaiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada booliiska lagu amray inay soo qabtaan afarta eedeysane ee loo haysto dambigaan. Wuxuuna sheegay in lasoo taagidoono maxkamad.

Go'aanka kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayaa yimid, iyadoo dhawaan taliyaha ciidanka Booliiska uu sheegay in ay weerari doonaan cid kaste oo iskudayda inay carqaladeeyaan amniga doorashada.












Click here
5/17/2023 10:51 AM EST
Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Wasiiradda Gaashaandhigga dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka wada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka Kenya.

5/17/2023 8:11 AM EST
Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ayaa madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Taani.

5/17/2023 7:49 AM EST
Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

5/17/2023 4:22 AM EST
Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay Puntland qalaalase siyaasadeed wajihi karto haddii Madaxweyne Deni uusan caddeynin in doorashada qof iyo cod ay ku eg tahay dowladaha hoose oo kaliya.

5/17/2023 3:43 AM EST
Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Xalay howlgalo culus ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxay kusoo qabteen xubno lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab iyo dad kale oo ibinaayay waxyaabaha maanka dooriya.

5/17/2023 2:03 AM EST
Arbaco, May, 17, 2023 (HOL) - Ergayga ganacsiga iyo arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa beeniyay warar sheegaya inuu ka dambeeyay weerar ciidamo maleyshiyaad ah ka geysteen magaalada Garowe.