4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2023
Somaliland oo sheegtay in ay qabatay 2 qof oo argagixiso looga shakisanyahay
 

Talaado, May, 16, 2023 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 2 qof oo looga shakisanyahay in ay yihiin argagixiso.

Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabbagale, ayaa sheegay in ay soo qabteen 2 qof oo argagixisonimo loo hayo, kuwaasi oo ay ku ogaadeen baadhitaan ay dadwaynaha la kaashadeen.

"Wiigan intii u danbaysay dadku waxyaabo badan ayay soo sheegeen, waxaanu ku guulaysanay laba qof oo argagixiso ah, oo imika soo galay magaalada, ayaanu wixii dadku sheegayeen aanu ka dhex helay, ayaa dhaq dhaqaaqi dadku ay sameeyeen ay ku soo saareen" ayuu yidhi Taliye Dabbagale.

Taliyaha ayaa dadwaynaha ugu baaqay in ay ciidanka la shaqeeyaan, oo wixii ay ka shakiyaan ay la socodsiiyaan saldhiga booliiska ee ugu dhaw, ama  ay wacaan numberka gargaarka degdega ah ee booliiska.

Somaliland ayaa hada looga diyaar garoobayaa xuska munaasibada 18 May, isla markaana booliiska ayaa meelaha qaar kood ka samaynaya baadhitaano.