4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2023
Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhashay Isbitaalka Banaadir Afar caruur oo mataano ah
 

Talaado, May, 16, 2023 (HOL) - Farxiyo Xuseen Cali oo ah Hooyo Soomaaliyeed ayaa Xalay 4 Caruur oo mataano ah ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Afarta caruur ay dhashay hooyadaan ayaa ah dhamaantood afar gabdhood oo ay dhashay iyadoo Caafimaad qabta, islamarkaana afarta gabdhood ay yihiin kuwa caafimaad qab ku dhashay.

Hooyada dhashay ilamahaan mataanaha ah ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho Fartuun Shariif Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in Hooyadaan iyo caruurteeda garab istaagaan.

Bishii Maarso ee sanadkaan 2023 ayay aheyd markii sidaan oo kale Hooyo lagu magacaabo Maryan Maxamed Xasan ay ku dhashay 4 carruur ah isla Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.