4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2023
Somaliland oo guul ka sheegatay dagaalo gobolka Sool ku dhexmaray xoogaga SSC
 

Talaado, May, 16, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay guul ka gaadhay dagaalo xoogan oo maanta galbeedka iyo bariga Laascaanood iyo deegaanka Dhabarsaar ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo ka warbixiyay dagaalka maanta, ayaa sheegay in ciidamo wata ilaa 30 tikniko ahi ay weerar kusoo qaadeen meel 25 killo mitir u jirta wadada laamiga ah ee Adhicaddeeye, iyo qaybo kamid ah fadhiisimada ciidanka ee Laascaanood.

"Meel 6 kiilo mitir Dhabansaar u jirta ayaa laysku helay, waa la jabiyay, magaaladiina waxa gacanta ku haya ciidanka, iyagiina waxay u yaaceen tuulada la yidhaa Ballihadhac, bariga iyo galbeedka Laascaanoodna dagaalo culus ayay ka bilaabeen waana lagu jabiyay" ayuu yidhi Taani.

Waxa uu sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo soo gaadhay ciidankiisa, lakiin ay guushu iyaga raacday, dhinaca kale ciidamada ayaa soo bandhigay baabuur ay dagaalka ku qabsadeen.

Dhinaca SSC-Khaatumo wali kama soo bixin war rasmi ah oo dagaalka ku aadan, lakiin qaybo kamid ah ciidamada oo muuqaalo soo duubay ayaa dhankooda sheegay in ay dagaalada guulo ka gaadheen.