4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2023
Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Garowe oo maanta hakad galay
 

Talaado, May, 16, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa sheegaya in uu hakad ku yimid dhaqaaqyadii duulimaadyada ee garoonka diyaaradaha Garowe.

Shaqaaqo xalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha, taasoo u dhaxeysay ciidamo katirsan Puntland iyo maleyshiyo beeleed ayaa waxay saamayn amni ku yeelatay shaqadii garoonka.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa sababo amni awgeed u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalada Garowe, maanta oo talaado ah.

Maleyshiyaad ay dabada ka riixayeen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa looga cabsi qabaa inay garoonka diyaaradaha weeraraan, inkastoo maamulka Puntland uu aad u adkeeyay amniga garoonka.

Marka lagasoo tago taas, ugu yaraan saddex askari katirsan ciidanka badda Puntland ayaa ku geeriyooday, ku dhawaad toban kalena way ku dhaawacmeen iska hor imaadkii xalay dhacay    

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha, kaddib markii ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ka ahaa sanaadiiqda codbixinta doorashada iyo kuwa kasoo horjeeday.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda federalka Soomaaliya ay ka digtay in Puntland ay wajihi karto qalalaase siyaasadeed oo ka dhasha khilaafka ka taagan arrimaha doorashada aan heshiiska lagu ahayn sida ay sheegtay dowladdu.