4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2023
Taliye cusub oo loo magacaabay howlgalka ciidanka ATMIS oo Muqdisho gaaray
 

Isniin, May, 15, 2023 (HOL) - Taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gaaray Muqdisho si uu ula wareego shaqadiisa. Waxa uu bedelay Lt. Gen. Diomede Ndegeya oo u dhashay Burundi oo dhameystay socdaalkiisa shaqo dabayaaqadii sanadkii hore.

Lt. Gen. Okiding, ayaa sheegay in muhiimadiisa ugu weyn ay tahay sidii si habsami leh loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed (SSF) iyadoo la xoojinayo guulaha la gaaray.

“Waxa ugu muhiimsan waa in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si waafaqsan howlgalka ATMIS, Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 iyo 2670,” ayuu yiri Taliyaha cusub ee ATMIS.

Lt. Gen. Okiding ayaa ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo dhaqan geliyo waajibaadka Howlgalka ee ah xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Lt. Gen. Okiding, oo kuma cusba Soomaaliya waxaa uu horey u soo noqday taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga intii u dhaxaysay November 2015 ilaa January 2017.

Ka hor inta aan loo magacaabin Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Okiding waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee UPDF.