4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2023
Doorashada madaxtinimada Turkiga oo u muuqata inay u gudbi doonto wareeg labaad
 

Isniin, May, 15, 2023 (HOL) - Doorashada Madaxtinimada Turkiga ee sida adag loogu tartamayo, ayaa u muuqata inay u gudbi doonto wareeg labaad ka dib markii Madaxweyne Erdogan uu ku guul daraystay inuu 50% helo codadkii la dhiibtay.

Iyadoo la tiriyay 97.95% codadkii la dhiibtay, wakaaladda wararka ee Anadolu ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in Erdogan uu helay 49.34% codadkii la dhiibtay, halka uu 44.99% helay musharraxa ugu weyn ee Kemal Kilicdaroglu – taasoo la micno ah in midkoodna uusan sheegan karin guul toos ah.

Kilicdaroglu ayaa soo dhaweeyay rajada laga qabo in la qabto doorashada ku celiska ah ee la qaban doono 28-ka may, wuxuuna sheegay in xisbigiisu uu guulaysan doono.

"Haddii qarankeennu yiraahdo wareegga labaad, si farxad leh ayaan u aqbalnay. Waxaan gabi ahaanba ku guuleysan doonaa doorashadan. Qof kastaa wuu arki doonaa taas, “ayuu yidhi, Kemal Kilicdaroglu.

Hoggaamiyaha dalka Turkiga Erdogan, ayaa la kulmay caqabado dabaylo dhaqaale iyo dhaleeceyn ku aaddan saameynta ka dhashay dhulgariirkii ba'naa ee 6-dii Febraayo ku dhuftay dalka Turkiga.

Markii ugu horeysay, mucaaradka Turkiga ayaa ku bahoobay hal musharrax, Kilicdaroglu, oo ku matalaya isbaheysiga doorashada ee lix xisbi oo mucaarad ah.

Dhinaca kale, haddii uu ku guulaystay madaxweyne Erdogan doorashada madaxweynaha dalkaas, waxaa u buux sami doonta 20 sano oo uu xukunka hayo.

Doorashada ayaa ugu dambeyntii go'aan ka gaari doonta masiirka xulafada muhiimka ah ee NATO iyo dallaalka awoodda gobolka xilli duulaanka Ruushka ee Ukraine uu inta badan adduunka geliyey hubaal la'aan.