4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 14, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo sagootiyay ciidamo ka qeyb galaya wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab

Axad, May, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saagootiyey  Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya dagaalka dalka lagaga xoreynayo  Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ciidamadan kula hadlay xerada ciidanka ee Jeneral Gordon, ayaa u jeediyay khudbad dardaaran ahayd, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhammeystirayso halganka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Madaxweynuhu wuxuu faray ciidamadan in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda shacabka Soomaaliyeed.

“Cadowga aan la dagaalamaynaa waa Khawaarijta, waa cadow caalamiya. Caalamkoo dhanaa la dirira, annaguna hormuudaa ka nahay dagaalka cadowgaas. Wax kaste oo aan isticmaali karno iyo cid kaste oo aan kaashan karno, ayaan kaashanaynaa si aan nimankaan Khawaarijta ah dalka uga saarno. Waxaan rabnaa Soomaaliya oo Khawaarij la’aan ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladdiisu ay isku barbar waddo labo qorshe oo ku saleysan in gacanna lagu cirib taro Alshabaab, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka, isagoo la wadaagay sida ay uga go'an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan sida uu sheegay cadawga curyaamiyey.