4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 14, 2023
Ciidanka dowladda oo gacanta kusoo dhigay nin weerar qarax ah ka geystay Muqdisho

Axad, May, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saakay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa howgalkooda kusoo qabtay nin la sheegay inuu qarax bambaano ku weeraray goob ay degmada Hodan kaga sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Ninkaan ciidamada ay gacan kusoo dhigeen ayaa la sheegay inuu bam ku weeraray fariisin Booliiska ay ku leeyihiin xaafadaha Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Ciidamada ayaa sidoo kale la tilmaamay iney ninkan la qabteen labo haween ah oo ninkan weerarka kala shaqeeyay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Muqdisho oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegeen in ninkan ciidamada ay kasoo qabteen Xaafada Haanta dheer ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ka howlgala ciidamo cusub oo laga keenay dalka Uganda, kuwaas oo qeyb weyn ka qaatay xasilinta magaalada caasimadda ah Muqdisho.