4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 13, 2023
Taliyaha ciidanka booliiska Puntland: Guryahooda ayaan ku weerari doonnaa cid kaste oo doorashada carqaladaysa

Sabti, May, 13, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka booliiska Puntland, Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay inay guryahooda ku weerari doonaan cid kaste oo isku dayda inay carqaladayso doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan kusoo aadan Puntland.

Taliyaha booliiska oo Garowe warbaahinta kula hadlayay, ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan cid kaste oo isku dayda inay jidgooyo u dhigato doorashada, isagoo caddeeyay in aysan u aabo yeelidoonin nuuc walba oo ay yihiin.

“Waxaa noo qorshaysan oo aan cidna ka qarsandoonin, in siyaasi ha ahaado, ganacsato ha ahaado, isimo ha ahaato, ciddii rabta inay fowdo wax ku joojiso, oo abaabusha maleyshiyaad, oo weerarta goobaha doorashooyinka, wixii ku dhaca iyagaa ka masuul ah,” ayuu yiri Muumin.

“Annaga warkeenna waa cad yahay. Qofkii xabbad nalasoo doonta waan la dagaalamaynaa. Dadweynaha waxaa la rabaa inay ku kalsoonaadaan inay codkooda dhiibtaan. Waxaan isku dayidoonnaa xitaa haddii lasoo weeraro doorashada in aysan saamayn ku yeelan codaynta,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalka taliyaha ciidanka booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday, xilli shalay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal uu ku hanjabay inay ka hor imaan doonaan wuxuu ugu yeeray  damaca gurracan ee madaxweyne Deni.

Xasan Shire Abgaal iyo siyaasiyiin kale ayaa lagu eedeynayaa inay abaabulayaan rabshado ka dhan ah doorashada dowladaha hoose oo ku began 25-ka bishaan May, taasoo la filayo inay ka qabsoomto 37 degmo oo katirsan Puntland.