4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo dhoweeyay Qaraar golaha wasiirradu meel mariyeen

Jimco, May, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay qaraarka ay ansixiyeen golaha wasiirrada, kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyadda iyo tayo-soorka shaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay qaraarkan inuu ka hortagayo musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

“Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay dhisto hanaan daah-furan, oo u adeega shacabka Soomaaliyeed.

Qaraarka dowladda kasoo baxay, ayaa kusoo beegmay, iyadoo hay’adda Dowladda lagu eedeeynayo inuu musuqu aad uga dhex jira, islamarkaana aanay jirin wax isla xisaabtan ah oo ay dowladda kula dagaalamayso dadka ku lugta musuqa.

Sanadkii hore ee 2022, dhaqaale badan oo caalamku ugu deeqay Soomaaliya ayaa la waayay meel ay mareen, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hanti dhowrka guud ee dalka. Arrintaas oo dhaawac ku noqotay barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Sanadkii hore dhaqaale badan oo caalamku ugu deeqay Soomaaliya ayaa la waayay meel ay mareen, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hanti dhowrka guud ee dalka. Arrintaas oo dhaawac ku ah barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.