4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadiisa

Khamiis, May, 11, 2023 (HOL) - Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiir u magacaabay wasaraada maalgashiga, badhasaabkii gobolka Sool ayuu Gabilay u badalay, Sool na guddoomiye cusub ayuu u magacaabaay, sidookale badhasaabkii Gabilay ayuu xilkii ka qaaday.

Wasiirka Cusub ee maalgashiga ayaa loo magacaabay Cabdi Cismaan Dhaga-weyne,  goddoomiyaha cusub ee gobolka Sool ayaa loo magacaabay Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, guddoomiyihii gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji ayaa isna loo badalay Galibay, waxaana xilkiisii waayay guddoomiyii hore ee Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha oo faah faahsan:-