4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2023
Saraakiil ka goostay Ciidamada Somaliland oo ku biiray xoogaga SSC

Khamiis, May, 11, 2023 (HOL) - Saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland ayaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood kadib markii ay ku biireen xoogaga SSC-Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ugu mudnaa dadka soo dhaweeyay saraakiisha, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in saraakiishu gartaan dulmiga lagu hayo dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

"Aad baan ugu faraxsanahay saraakiisha halkan maraysa, ragaan ogahay oo shiraban, oo maanta dulmiga lagu hayo dadkooda, dilka lagu hayo iyo colaada lagu hayo gartay" ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Garaadka ayaa sheegay in saraakiishu ay ka yimaadeen deegaanka Sama-kaab, isaga oo sheegay in ay yihiin saraakiil lafdhabar ah, wuxuuna ugu baaqay in saraakiisha kale ee deegaanka ee wali ku jira ciidanka Somaliland in  ay kasoo baxaan.

Waxa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu ciidankiisa kala baxo Laascaanood inta anay colaadu faafin ee aanay dhibaatadu sii balaadhan sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in iyaga iyo Somaliland kala dhamaadeen.

Dhamaan saraakiisha kale ee dhaqdhaqaaqa SSC iyo masuuliyiinta goobta ku sugnaa ayaa iyaguna soo dhaweeyay saraakiisha goostay oo aan tiradooda la sheegin.

Guddoomiyihii waxbarashada ee Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool ayaa isagana shalay lagu soo dhaweeyay Laascaanood isaga oo ku biiray xoogaga SSC.