4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 11, 2023
Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Khamiis, May, 11, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Gumeysidiid oo ku yaala duuleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 5 xubnood oo ka mid ah dagaalyanahada Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay tiro kale sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaaboow.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen xogta koox ka mid ah Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Gumeysidiid oo uu sheegay iney qorsheynayeen iney geystaan weeraro.

Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan kooxda al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobolka Shabeelaha Hoose inta badan ka fuliya howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas.