9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo difaacay ciidamada shisheeye ee ka caawinaya wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab
 

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa ka qeyb galayay dood furan oo su’aalo lagu weydiinayay, ayaa ka hadlay ciidamada shisheeye ee Dowladda ka caawinaya wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la weydiiyay cawaaqib xumada ka dhalan karta ciidamada shisheeye ee aan ka tirsanayn howlgalka ATMIS.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay leedahay jihaynta ciidamadan, islamarkaana wuxuu sheegay in ay ka howlgalayaan meel walba oo ay dowladda ka codsato, si ay Alshabaab uga saaraan.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay in dowladaha kala qeyb galaya dagaalkaan, ay laftooda muhiimad weyn u leeyahay inay gudaha Soomaaliya kula dagaalamaan, kuna ciribtiraan kooxda Alshabaab, maadaama ay dalalkooda Alshabaab ku hayso Qatar amni oo weyn.

“Annaga iyo iyaga waxaan ku tashanay, Shabaab in Soomaaliya gudaheeda lagu baabi’iyo. Iyagana uusan u gudbin, annagana dhexdeena aanu joogin, waa qodob. Qodobadka labaad, Operation-ka naga dhaxeeya annaga iyo dowladahaas waxaa 90 maalmood. Ma heli karno inaan dhahdo Amisom hala soo badiyo. Waxaan rabnaa ciidamo aan dhihi karno waddadan mara,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Marka uu madaxweynuhu ka hadlayay cidda bixinaysa dhaqaalaha ay ku howlgalayaan ciidamadan, wuxuu sheegay in dowlad kaste ay iyadu dhaqaalaheeda la baxayso, ayna tahay arrin ay ku caawinayaan Soomaaliya oo ka codsatay.












Click here
5/1/2023 12:45 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 2 qof ayaa la ramaysanyahay in ay dhinteen kadib markii uu dooxa Huluuq oo dhaca galbeedka Hargaysa qaaday baabuur ay wateen.

5/1/2023 9:53 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta ku dhawaaqay in guud ahaan magaalada Muqdisho uu mamnuuc ka yahay ka ganacsiga iyo isticmaalka maan dooriyaasha kala ah Shiishada, Taabuuga, Xashiishka Calaqa iyo Qamriga.

5/1/2023 8:03 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin reer Somaliland isla markaana anay jirin dookh kale oo ay haystaan.

5/1/2023 5:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Itoobiya ayaa tababartay dufcaddii ugu horreysay ee askar ka tirsan Soomaaliya, bil uun kaddib markii Addis Ababa loo diray askartan, si ay gacan uga geystaan Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya.

5/1/2023 4:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu maamulka gobolka Banaadir ka waday howlgalo ay kula dagaalamayaan isticmaalka iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in isticmaalka maan dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada Caasimadda ku dhaqan oo ay ka mid yihiin ardayda Waxbarata.

5/1/2023 2:02 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.

5/1/2023 1:56 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Qabridagare ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabridahare.