9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Afhayeen Buuni: Dadka reer Laascaanood dookh malaha

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin reer Somaliland isla markaana anay jirin dookh kale oo ay haystaan.

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo waraysi kooban siiyay Horyaal TV, ayaa ka jawaabay hadal uu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu khasbi karin midnimada Somaliland.

"Hadii aduu markii aad wasiirka ahayd aad ku iibisay badii Soomaaliya dookh aad leedahay, shacbiga Somaliland, doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh, waxay qaateen rabitaan 1991" ayuu yidhi Buuni.

Waxa uu sheegay in Shakuur aanu hadalkiisa dowlada Soomaaliya ku matalayn, oo uu ahaa hadal uu si shakhsi ah u yidhi, wuxuuna ku tilmaamay shakhsi baal madow kaga jira taariikhda Soomaalida.

Buuni waxa uu dowlada Soomaaliya uga mahadceliya in anay Shakuur xil wasiir siinin, isaga oo sheegay in uu bada Soomaaliya iibiyay mar uu wasiir noqday.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu dhawaan ku baahiyay bartiisa Facebook ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaada Laascaanood, isaga oo sheegay in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin midnimada Somaliland.













Click here
5/1/2023 4:23 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa ka qeyb galayay dood furan oo su’aalo lagu weydiinayay, ayaa ka hadlay ciidamada shisheeye ee Dowladda ka caawinaya wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

5/1/2023 12:45 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 2 qof ayaa la ramaysanyahay in ay dhinteen kadib markii uu dooxa Huluuq oo dhaca galbeedka Hargaysa qaaday baabuur ay wateen.

5/1/2023 9:53 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta ku dhawaaqay in guud ahaan magaalada Muqdisho uu mamnuuc ka yahay ka ganacsiga iyo isticmaalka maan dooriyaasha kala ah Shiishada, Taabuuga, Xashiishka Calaqa iyo Qamriga.

5/1/2023 5:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Itoobiya ayaa tababartay dufcaddii ugu horreysay ee askar ka tirsan Soomaaliya, bil uun kaddib markii Addis Ababa loo diray askartan, si ay gacan uga geystaan Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya.

5/1/2023 4:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu maamulka gobolka Banaadir ka waday howlgalo ay kula dagaalamayaan isticmaalka iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in isticmaalka maan dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada Caasimadda ku dhaqan oo ay ka mid yihiin ardayda Waxbarata.

5/1/2023 2:02 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.

5/1/2023 1:56 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Qabridagare ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabridahare.