9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Duqa Muqdisho "Ardeydii Taabuu iney cunaan bay macalimiintii wax bareysay la dagaalamayaan”
 

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu maamulka gobolka Banaadir ka waday howlgalo ay kula dagaalamayaan isticmaalka iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in isticmaalka maan dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada Caasimadda ku dhaqan oo ay ka mid yihiin ardayda Waxbarata.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu dagaal adag kula jiro baabi'inta iibinta iyo isticmaalka maan dooriyaha oo  uu sheegay in dhibaato xooga uu ku hayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaato badan uu  ardayda ku hayo isticmaalka taabuuga oo dalka dibadiisa laga keeno, isagoona sheegay in ardayda isticmaasha taabuuga iney la dagaalamaan Macalimiintooda.

“Taabuuga oo dhallinta qaar si weyn xiligan u isticmaalaan waxa uu ka mid yahay wax yaabaha aan la dagaalamayno, oo ardeydii inay cunaan bay macalimiintii wax bareysay la dagaalamayaan”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Isticmaalka maan dooriyaha loo yaqaano Taabuuga ayaa si weyn waxaa u isticmaala dhalinyarada da'da yar ee isugu jira kuwa wax barta iyo kuwa aan baran intaba waxaana si caadi ah loogu iibiya inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaala Muqdisho iyo gobolada dalka.












Click here
5/1/2023 4:23 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa ka qeyb galayay dood furan oo su’aalo lagu weydiinayay, ayaa ka hadlay ciidamada shisheeye ee Dowladda ka caawinaya wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

5/1/2023 12:45 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 2 qof ayaa la ramaysanyahay in ay dhinteen kadib markii uu dooxa Huluuq oo dhaca galbeedka Hargaysa qaaday baabuur ay wateen.

5/1/2023 9:53 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta ku dhawaaqay in guud ahaan magaalada Muqdisho uu mamnuuc ka yahay ka ganacsiga iyo isticmaalka maan dooriyaasha kala ah Shiishada, Taabuuga, Xashiishka Calaqa iyo Qamriga.

5/1/2023 8:03 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin reer Somaliland isla markaana anay jirin dookh kale oo ay haystaan.

5/1/2023 5:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Itoobiya ayaa tababartay dufcaddii ugu horreysay ee askar ka tirsan Soomaaliya, bil uun kaddib markii Addis Ababa loo diray askartan, si ay gacan uga geystaan Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya.

5/1/2023 2:02 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.

5/1/2023 1:56 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Qabridagare ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabridahare.