9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Willian Ruto: Sidee 54 Waddan Afrikaan ah ugu Fashilmi karaan u ururinta $80m Soomaaliya?

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.

Willian, Ruto, oo xilka madaxtinimada qabtay Sebtembar 2022, ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uusan awoodin xitaa lacag dhan 85 milyan oo dollar oo loo uruurinayey dib u dhiska Soomaaliya.

Ruto wuxuu sheegay dalalka Afrika ee saboolka ah sida Soomaaliya inay sugaan taageerada dhinacyada kale sida Midowga Yurub.

“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su'aalo weydiinta maamulka AU. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85M. Waa waalli. Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano ka dib xornimadooda, ma maamuli karaan $85M oo lagu taageero Soomaaliya? ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku baaqay isbedel qaab dhismeedka Midowga Afrika si ay si madax banaan ula tacaalaan caqabadaha qaarada.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Willian Ruto.

Hogaamiyeyaasha gobolka ayaa horraantii todobaadkan ku kulmay Kampala, halkaas oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa'iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga Afrika, si uu u taageero kor u qaadida awoodda amniga ee Soomaaliya ee mustaqbalka fog.












Click here
5/1/2023 4:23 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa ka qeyb galayay dood furan oo su’aalo lagu weydiinayay, ayaa ka hadlay ciidamada shisheeye ee Dowladda ka caawinaya wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

5/1/2023 12:45 PM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 2 qof ayaa la ramaysanyahay in ay dhinteen kadib markii uu dooxa Huluuq oo dhaca galbeedka Hargaysa qaaday baabuur ay wateen.

5/1/2023 9:53 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta ku dhawaaqay in guud ahaan magaalada Muqdisho uu mamnuuc ka yahay ka ganacsiga iyo isticmaalka maan dooriyaasha kala ah Shiishada, Taabuuga, Xashiishka Calaqa iyo Qamriga.

5/1/2023 8:03 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin reer Somaliland isla markaana anay jirin dookh kale oo ay haystaan.

5/1/2023 5:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Itoobiya ayaa tababartay dufcaddii ugu horreysay ee askar ka tirsan Soomaaliya, bil uun kaddib markii Addis Ababa loo diray askartan, si ay gacan uga geystaan Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya.

5/1/2023 4:33 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu maamulka gobolka Banaadir ka waday howlgalo ay kula dagaalamayaan isticmaalka iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in isticmaalka maan dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada Caasimadda ku dhaqan oo ay ka mid yihiin ardayda Waxbarata.

5/1/2023 1:56 AM EST
Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Qabridagare ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabridahare.