5/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2023
Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo shaacisay inay maraakiib shisheeye si sharci darro ah uga kalluumaysanayaan aag badeed gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ)
 

Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa sheegtay in cadeymo laga helay xarunta la socodka kalluumeysiga ay muujinayaan in maraakiib badan oo kalluumeysi oo laga keenay dalal shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayaan biyaha Soomaaliya.

Caddeymahaas ayay wasaaraddu sheegtay inay tilmaamayaan in maraakiibtaasi ay ka howlgalayeen Aagga dhaqaale ee gaar ah, (EEZ) tan iyo bishii Jannaayo 2023.

“Tani waxa ay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan sharcigeenna kalluumeysiga, kaydka kalluunka iyo welwelka joogtada ah ee ku aaddan horumarka dhaqaale ee sugnaanta cuntada ee deegaanka badda ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee dowladda Federaalka waxay xaqiijisay in dhammaan maraakiibta kalluumeysiga ay si sharci darro ah u maciinsanayeen, isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan gelitaanka iyo shatiga kalluumeysiga oo ay ka haysteen dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Iyadoo la tixraacayo qodobbada 11, 12,13 ee sharciga kalluumeysiga Soomaaliya iyo qodobka 54-aad ee dastuurka, siinta shatiyada kalluumeysiga ee maraakiibta shisheeye, waa awood dastuuri ah oo dowladda Federaalka ay ku bixinayso ogolaanshaha kalluumeysiga shisheeye, waxaa kaliya oo bixiya waa wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dowladda Federaalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay dejisay habraacyo, xeerar iyo xeer-hoosaadyo qeexaya shuruudaha iyo habraacyada sharciga ah ee soo saarista ruqsadaha kalluumaysiga shisheeye, waxayna caddaysay in waxa loo yaqaan waraaqaha ansixinta  aanay ahayn sharci looga kalluumeysan karo Biyaha badda Soomaaliya.

Wasaaaradda kalluumaysiga waxay dhammaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga shaqeysta biyaha Soomaaliya ku amartay in ay si degdeg ah uga baxaan aagga dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), ayna u hoggaansamaan sharciyada caalamiga ah (International law).

Sharcigan ayay wasaaraddu tilmaamtay inuu waajib ka dhigayo in ay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya ay u bixiyaan magdhowga hantida kalluunka ee ay sida sharci darada ah uga qaateen aagga badeedka EEZ.

Hadii kale waxa ay sheegtay inay mutaysan doonaan ciqaab iyo dacwayn ay ku soo oogto Dowladda Soomaaliya.













Click here
3/6/2023 3:35 PM EST
Isniin, March, 6, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo gadhwadeen ka ah dhaqdhaqaaqa Somaliland lagaga soo horjeedo ee ka socda magaalada Laascaanood, ayaa markale ku baaqay in ciidamada Somaliland ka baxaan deeganada ay dagaan beelaha uu madaxda u yahay.

3/6/2023 5:42 AM EST
Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii urur siyaasadeedka Waabari Cabdirisaaq Ibraahin Ataash, ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka baxay siyaasadii Somaliland wuxuuna taageeray go'aamadii kasoo baxay shirkii garaadada dhaqanka ee Laascaanood.

3/6/2023 2:36 AM EST
Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Daawo ayaa sheegaya in ay meel adag oo aad looga naxo ay marayso abaartii dhawaan ku dhufutay gobolkaas.

3/6/2023 2:32 AM EST
Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa kadib maalmo anay dagaalo ka dhicin magaalada Laascaanood sheegtay in lasoo weeraray ciidankeeda ku sugan duleedka magaalada.

3/6/2023 12:57 AM EST
Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Ilaa 19 xubnood oo ka mid ahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa iska casilay xubinimadoodii Xisbiga Wadajir.

3/6/2023 12:32 AM EST
Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay dagaalka Laascaanood ka qeyb galayaan haddii garaadada SSC ay ka codsadaan.