4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2023
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlay qorshaha cusub ee millateriga Somaliland

Isniin, Maarso, 27, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlay qorshaha uu millateriga Somaliland sheegay in uu kula dagaalamayo xoogaga Laascaanood, ayaa sheegay in horeba ay ciidanka Somaliland weerar u ahaayeen.

Garaad Ismaaciil oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa ka jawaabay qorshaha uu millaterigu ku sheegay in ay kula dagaalamayaan ciidamada aan reer Sool ahayn, wuxuuna ku andacooday in cid aan reer Sool ahayni anay joogin gobolka.

"Waxan reer Sool ahayn anagu ma aragno, dadka joogaa waa dadkii deegaanka u dhashay, haday weerar soo qaadayaan awalba way soo qaadi jireen wax u dhimana ma jiraan" ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Millateriga Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay weerar qorshaysan ku qaadi doonaan xoogaga kula dagaalamaya Laascaanood, gaar ahaan ciidamo beeleedyada ka yimid deegaanada Puntland.

Kadib go'aanka uu millaterigu soo saaray shalay maanta wax dagaal ahi ma dhicin, iyadoo ay magaalada Laascaanood soo gaadheen madaxdhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho oo sheegay in ay gacan ka gaysanayaan daminta colaada.