4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Golaha Wasiiradda oo Maanta ka shiray xal u helista dilalka loo geysto dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta

Khamiis, Maarso, 23, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha golaha wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu Maanta shir guddoominaayay Raysal wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay guddiga ka talo bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajta.

Guddiga ayaa soo bandhigay daraasad baaritaano iyo xogwareysi ah oo ay la yeesheen wadayaasha Mooto bajaajta iyo waliba talooyin ka kooban 18 qodob oo la xariira xal u helida dhibaatooyinka sida gaarka ah ula kulmaan Bajaajleyda Muqdisho, hayeeshee lama faahfaahin 18 ka qodob ee la xariira xal u helida dhibaatada wadayaasha Mooto Bajaajta.

Kulanka ayaa sidoo kale warbixino la xariira xaalada guud ee amniga dalka iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab waxaa looga dhageystay wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Gabagabadii Golaha Wasiiradda ayaa ku baaqay in feejignaan dheeraad ah laga galo dhibaatooyinka ay maleegayaan kooxda Al-shabaab inta lagu guda jiro bishaan barakeysan ee Ramadaan oo Maanta bilaaw ah.

Talaabadaan golaha wasiirada ay Maanta uga hadleen xal u helida dhibaatada lagu haayo wadayaasha Bajaajlayaasha Muqdisho ayaa imaaneysa, iyadoo mudooyinkii dambe dilalka loo geysto Darawalada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ay ahayeen kuwa joogta ah oo ay geysanayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.