4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2023
TPLF oo laga saarey liiska Argagaxisada
 

Arbaco, Maarso, 22, 2023 (HOL) - Golaha Wakiilada Shacabka ee dalka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku go'aamiyay in liiska Argagaxisada laga saaro kooxda TPLF, oo ay horey dowladda Itoobiya ugu dartay wakhtigii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

Inkastoo ay dood dheer ka dhalatay gudaha Baarlamaanka Itoobiya oo ku saabsan arrinta ka saaritaanka liistada Argagaxisada ee TPLF, haddana ugu dambayn waxaa cod dheeri ah lagu ansixiyay in TPLF laga saaro liistada Argagaxisada, iyadoo sida la sheegayo kulankii maanta ee Baarlamaanku ay goob joog ahaayeen Warbaahinta ay dowladdu maamusho oo kaliya, kuwa kale ee madaxa banaanna loo diiday inay kasoo qayb galaan.

Arrinta ka saaritaanka argagaxisada ee TPLF ayaa qayb ka ahayd heshiiskii ay hore dowladda Itoobiya iyo TPLF ugu gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya, heshiiskaas oo lagu soo afjaray dagaalkii lagu hoobtay ee mudada labada sano ka badan ka socday gobolka Tigray.

Go'aankan ayaa waxaa laga soo dhaweeyay gobolka Tigray, iyadoo maamulka gobolkaasina ay go'aankan ku tilmaameen tallaabo wanaagsan oo ay dowladdu ku dhaqaaqday.

Dawladda Itoobiya ayaa wali waxaa liistada argagixisada ugu jirta Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA oo ay dowladdu u taqaano SHANE, taas oo dagaal hubaysan kula jirta dawladda Itoobiya, SHANE waxay ka go'day Ururka OLF oo hadda heshiis kula jira dowladda Itoobiya.