4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2023
Talyaaniga oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Gaadiid Ciidan

Arbaco, Maarso, 22, 2023 (HOL) - Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jenaraal Sulub Axmed Firin ayaa ka qey galay munaasabad Safaaradda Talyaaniga ay ku wareejisay gaadiid ay ugu deeqday ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya jenaral Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dowlaha amniga ayaa Safiirka Safaarada dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya kala wareegay laba gaari oo ah nooca aanan xabada karin oo loogu talo galay ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Taliye Sulub oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidanka Boliiska Soomaaliya, isagoona xusay in gaadiidkaan uu ka caawin doono Booliiska in howlgaladooda ay ku gaaraan meelo fogfog, maadama aysan xabad karin gaadiidkaan.

Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa dhankiisa ka mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda Talyaaniga u muujiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoona sidoo kale ka dalbaday dowladda Talyaaniga iney kordhiso taageerada ay siiso ciidanka Soomaaliya.

Safiirka dalka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Roberto Vechi ayaa sheegay in gaadiidkan ay Maanta ku wareejiyeen Booliiska Soomaaliya uu ku yimid taageero dowladda Talyaaniga uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan in dowladda Talyaaniga ay ka gacan siiso howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.