4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2023
Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, Maarso, 22, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab Ururka 5-aad guutada 16-aad iyo ciidanka Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ciidamada iskaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah, Biibi, Maalka dhaqajo, Beerxaani, Qudus, yaaq dabayl, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada l6-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladaasi ay ku dileen 5 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray taliye Carab Dheeg Axmed iney nolosha ku qabteen xubno ka mid ah Ururka Al-shabaab, ayna sidoo kale ku furteen howlgalkaasi 5 qori oo ah nooca Somalida u taqaan Ak47.

Taliye Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ay sii wadayaan ilaa inta Al-shabaab ay ka saarayaan deegaanada dowladda goboleedka Jubbaland oo ka mid ah deegaanada ay wali ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab.