4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2023
Dowladda Itoobiya oo iska fogeysay eedaymo uga yimid dhinaca dowladda Mareykanka
 

Arbaco, Maarso, 22, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa kasoo horjeedsatay hadal dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka oo sheegayay in dhammaan dhinacyadii ku dagaallamay gobolka Tigray oo ay u horreyso Ciidamada Itoobiya ay galeen dambiyo dagaal.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay maalintii shalay ku sheegtay in eedaymaha uu Maraykanku usoo jeedinayo Itoobiya ee ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, isla markaana hoos u dhigi kara xiriirka labada dhinac.

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya, kuwa Eritariya, Maleeshiyaadka Amxaarada iyo Maleeshiyaad daacad u ah TPLF ay geysteen dambiyo dagaal oo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha.

Balse eedaymahaas waxaa beeniyay dhammaan dhinacyadii loosoo jeediyay, iyadoo la xasuusan yahay in mar hore ay sidan oo kale Eritariya oo gacan siinaysay Itoobiya ay u beenisay in dambiyo dagaal ay ka gaysatay gobolka Tigray intii uu socday dagaalkii Waqooyiga.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof, iyadoo tiro intaa ka badana ay ku barakaceen, iyadoo dagaalkaasina ay ka dhalatay gaajo iyo macluul soo food saartay dadka ku dhaqan gobolka Tigray oo ahayd xuduntii colaadda Waqooyiga Itoobiya.